Sawiroo-Dibad Baxayaal Rabay inay Ku Hor Banaan Baxaan Xarunta Golaha shacabka oo Rasaas Lagu Kala Eryay

0
Wednesday September 13, 2017 - 14:48:12 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawiroo-Dibad Baxayaal Rabay inay Ku Hor Banaan Baxaan Xarunta Golaha shacabka oo Rasaas Lagu Kala Eryay

    Dibad baxayaal taageersanaa Xukuumadda oo maanta isugu soo baxay waddooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa rasaas lagu kala eryay, kaddib markii ay isku dayeen inay ku hor-banaan baxaan Xarunta golaha shacabka, halkaasoo ay ku kulansan yihiin Xildh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxayaal taageersanaa Xukuumadda oo maanta isugu soo baxay waddooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa rasaas lagu kala eryay, kaddib markii ay isku dayeen inay ku hor-banaan baxaan Xarunta golaha shacabka, halkaasoo ay ku kulansan yihiin Xildhibaanada.

Dadka dibad baxayay oo isugu jiray haween, iyo carruur ayaa watay sawirada Madaxda dowladda iyo boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan, waxaa badankood ay ka soo baxeen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, Waabari iyo Howlwadaag.

Ciidamada Booliska ee ilaalada ka hayay xarunta golaha shacabka iyo hareeraheeda ayaa dadkan rasaas cirka ugu riday, si ay u kala eryaan, kaddib markii ay soo gaareen dalcada Taalada Sayidka oo ku dhow xarunta Golaha shacabka.

Qaar ka mid ah dibad baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka xun yihiin in ciidamada ay rasaas ku kala eryaan, isla markaana ay taageersan yihiin Xukuumadda, ayna ka soo horjeedaan in Xukuumadda laga keeno mooshin.

Waa markii u horeysay banaan baxayaal taageersan Xukuumadda ay kala eryaan Ciidamada, iyadoo la xiray dhamaan waddooyinka soo gala xarunta golsha shacabka.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip