Dowladda Soomaliya oo Ka Qeyb Gashay Shirka Amniga Bariga Afrika ee Yugandha

0
Wednesday September 13, 2017 - 12:12:51 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaliya oo Ka Qeyb Gashay Shirka Amniga Bariga Afrika ee Yugandha

    Magaalada Kampala ee xarunta Dalka Yugandha ayaa waxaa ka soconaya shir ku saabsan Amaanka wadamada kuyaala Bariga Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto,kaasi oo ay ka qeybgalayaan Madaxda arrimaha Ammniga ee Bariga Afrika .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Kampala ee xarunta Dalka Yugandha ayaa waxaa ka soconaya shir ku saabsan Amaanka wadamada kuyaala Bariga Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto,kaasi oo ay ka qeybgalayaan Madaxda arrimaha Ammniga ee Bariga Afrika .

Wadamada ka qeybgalaya shirkan oo gaaraya ilaa 14 wadan waxaa ku jira Soomaaliya oo kamid ah wadamada sida gaarka ah diiradda loogu saari doono shirkaasi gaar ahaan tayaynta Ciidamada Soomaaliya.

Ajandayaasha ugu badan ee shirkaasi horyaala ayaa ah amniga oo dhinacyo kaladuwan looga hadlayo sida iskaashiga sugidda amniga iyo ka hortagga khataraha ay bulshada kala kulmaan kooxaha Argagixisada ee Alshabaab.

Korneel Muuse C/qaadir Xasan oo katirsan hogaanka xiriirka dibedda ee booliska dowladda Soomaaliya, kana mid ah saraakiisha ka qeyb galeysa shirkan ayaa sheegey in muhiimad gaar ah uu u leeyahay Soomaaliya.

"Shirkan waxaa ka qeybgalaya 14 dalka oo Bariga Afrika kuyaala,ka Soomaali ahaan, aad ayuu muhiimad uu inoogu leeyhaay waxaana loooga hadlaya arrimo ay kamid yihiin sidii loo tayeyn lahaa ciidamada Qaranka Soomaaliya, loona qalabayn lahaa si ay Ammaankooda u la wareegaan,waxaana geba gebada imaan doona Wasiirada amniga ama arrimaha gudaha ee wadamadan shirka ka qeybgalaya”, Ayuu yiri Korneel Muuse.

Wadamada Yugandha iyo Kenya oo shirkaasi ka qeybgalaya ayaa kamid ah wadamada ciidamada ka jooga Soomaaliya,kuwaasi oo Soomaaliya ka taageeraya dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Xigasho: BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip