Haweeney Ganacsato ah oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0
Wednesday September 13, 2017 - 10:41:14 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweeney Ganacsato ah oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

    Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ku dilay Haweeney ka ganacsan jirtay Dhuxusha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ku dilay Haweeney ka ganacsan jirtay Dhuxusha.

Haweeneydan ayaa lagu magacaabi jiray Dahabo Xuseen, waxaana ay caan ka aheyd xaafada Towfiiq.

Goob joogayaal ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga in kooxdii dilka ka dambeysay ay baxsadeen, waxaana ciidamada ammaanka oo tagay goobta dilka ka dhacay ay sameeyeen baaritaano, balse ma jirto cid loo soo qabtay dilka.

Waa haweeneydii labaad oo todobaadkan gudihiis lagu dilo magaalada Muqdisho, maalin ka hor ayaa kooxo hubeysan waxay Suuqa Bakaaraha ku dileen haweeney Ganacsato aheyd.

Ma ahan wax ku cusub magaalada Muqdisho dilalka loo geysto haweenka iyo dadka birimigeydada ah, waxaana dilkooda uu soo batay wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdii dhexe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip