Laqanyo "Kalsooni ayaa Ku Qabaa in Xildhibaanada Hirshabeele ay i Dooran Doonaan"

0
Tuesday September 12, 2017 - 16:26:09 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laqanyo "Kalsooni ayaa Ku Qabaa in Xildhibaanada Hirshabeele ay i Dooran Doonaan"

    Musharraxa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdi Faarax Sharawe (Laqanyo)ayaa dib ugu laabtay magaalada Jowhar, kaddib markii uu shalay aaday Muqdisho ayaa ka hadlay ujeedka safarkiisa iyo waxa uu rajeynayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharraxa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdi Faarax Sharawe (Laqanyo)ayaa dib ugu laabtay magaalada Jowhar, kaddib markii uu shalay aaday Muqdisho ayaa ka hadlay ujeedka safarkiisa iyo waxa uu rajeynayo.

Musharraxa ayaa salaan qaaday dadkii isugu soo baxay soo dhaweyntiisa oo ka kala yimid dhammaan afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay magaalada Jowhar.

Mr Laqanyoayaa sheegay in Muqdisho howlo shaqo u aaday, isagoo xusay inuu rajeynayo inuu ku guuleysto doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Warar ay heshay RadioShacab.com aya tibaaxaya in Musharax Laqanyola yeeshay kulmo gaar ah madaxda sar sare ee Dowladda Federaalka ah, isagoo isla soo qaadeen howlaha doorashada iyo siyaasadiisa Maamulka Hirshabeelle.

"Waxaan kalsooni buuxdo ku qabaa in doorashadu ku dhici doonto si nabad ah. Kalsooni mug leh ayan ku qabaa xubnaha sharci dejinta Hirshabeelle in ay dooran doonan hoggaan tijaabsan karti iyo waayo-aragnimana u leh siyaasadda Hirshabeelle iyo qabaa’ilkeeda sugina kara amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle” ayuu yiri Mudane Laqanyo asaga oo kula hadlayay war-fidiyeennada gudaha garoonka Jowhar.

Dowladda Federaalka ayaa si dhow ula socota doorashada Madaxweynaha, waxaana la filayaa in saddex musharax midkood ay taageerto, kuwaasoo ay si kala gaar gaar ah ugu yeertay magaalada Muqdisho.

Maalinta Sabtida ee soo socota ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana doorashadan u taagan illaa 8 Musharax oo ka soo jeeda Beesha Xawaadle.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip