Sawirro-Dowladda Turkiga oo Ruushka Ka iibsatay Gantaalada Casriga ee Difaaca Cirka

0
Tuesday September 12, 2017 - 16:19:51 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro-Dowladda Turkiga oo Ruushka Ka iibsatay Gantaalada Casriga ee Difaaca Cirka

    Dowladda Turkiga ayaa heshiis muran badan dhaliyay la saxiixatay dalka Ruushka, kaasoo ku saabsan sidii ay u heli laheyd Gantaalada casriga ah S-400 ee difaaca Cirka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Turkiga ayaa heshiis muran badan dhaliyay la saxiixatay dalka Ruushka, kaasoo ku saabsan sidii ay u heli laheyd Gantaalada casriga ah S-400 ee difaaca Cirka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in Ankara ay markii hore bixisay carbuun ama qeyb ka mid ah qiimaha ku kacaya heshiiskam

Heshiiskan ayaa ku kacaya lacag gaareysa $2.5bn, waxaana Turkiga oo xilligan ah dalka labaad ugu badan Ciidamada isbaheysiga NATO ayaa doonaya inuu xoojiyo difaaciisa cirka.

Ruushka ayaa sheegay in hanaanka gantaalka S-400 uu yahay mid gaari kara 400Km, isla markaana toogan kara illaa 80 bartilmaameed isku mar, taas oo micnaheedu yahay in halkii mar uu labo gantaal xambaari karo.

Turkiga iyo Ruushka ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u dhow, tan iyo markii uu hoos u dhacay xiriirkii ay la lahaayeen Mareykanka. Turkiga ayaa muran ka keenay taageerada Mareykanka siiyaan Ururka Kurdiyiinta ee YPG ee Suuriya, kuwaasoo xiriir la leh Jabhada Kurdiyiinta Turkiga.

Ruushka ayaa sanadkii 2015 geeyay gantaalka difaaca cirka ee S-400 saldhig milateri ay ku leeyihiin agagaarka Lataki ee dalka Suuriya, kaddib markii Turkiga uu bishii December ee sanadkii 2015 uu soo riday diyaarad dagaal uu Ruushka lahaa oo mareysay xuduuda u dhaxeysa Suuriya iyo Turkiga.











Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip