Kulan Looga Hadlayey in Qaab Cadaalad ah Loo Maamulo Deeqaha Waxbarasho oo Muqdisho Lagu Qabtay

0
Saturday August 12, 2017 - 18:23:24 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Looga Hadlayey in Qaab Cadaalad ah Loo Maamulo Deeqaha Waxbarasho oo Muqdisho Lagu Qabtay

    Guddigan oo korjoogten ku sameyn doona deeqaha waxbarasho ee soo gaara wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, ayaa ka kooban 9-xubnood oo kala matalaya Guddiyada adeega Bulshada ee Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ururrada Bul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddigan oo korjoogten ku sameyn doona deeqaha waxbarasho ee soo gaara wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, ayaa ka kooban 9-xubnood oo kala matalaya Guddiyada adeega Bulshada ee Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ururrada Bulshada Rayidka iyo wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Diini Maxamed Diini oo ah guddoomiyaha Daladda Jilaayaasha aan dowliga aheyn ayaa sheegay in guul ay tahay bulshadu ay aragtiyo iyo la socod ku yeeshaan deeqaha waxbarasho ee ay hesho wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

"waa guul weyn in wasaaradda Waxbarashu ay aqbashay inan la socono deeqaha soo gaara, waxey sahleysaa in si cadaalad ah loo qeybiyo deeqaha”ayuu yiri

Xildhibaan Ikraan Yuusuf Xirsi oo ah xubin katirsan Golaha Shacabka iyo Sanatar Zamzam Daahir Maxamuud ayaa si wadajir ah u sheegay iney marqaati ka noqon doonaan deeqaha la helo islamarkaana bulshada qaab cadaalad ah wax usoo gaari doonaan.

Wasiirka waxbarasada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya C/raxmaan daahir Cismaan ayaa tilmaamay in ujeedku uu yahay in laga hortago musuq maasuqa oo si cadaalad iyo sinaan ah wax loo maamulo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip