Shirkadda Favori oo Cabasho Amni Ka Soo Saartay Garoonka Diyaaradaha Aadn Cadde

0
Saturday August 12, 2017 - 18:05:43 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Favori oo Cabasho Amni Ka Soo Saartay Garoonka Diyaaradaha Aadn Cadde

    Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada ayaa cabasho xoog leh ka soo saartay hub lala soo galay gudaha Air Por-ka, taasoo amniga garoonka wax u dhimi karta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada ayaa cabasho xoog leh ka soo saartay hub lala soo galay gudaha Air Por-ka, taasoo amniga garoonka wax u dhimi karta.

Warqad uu soo saaray Madaxa Amniga u qaabilsan Favori ayaa waxaa uu diray Hey’addaha ay quseyso arrintan, si wax looga qabto.

Sarkaal Boolis ah oo ay u xirneyd Bastoolad ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu hareer maro Qalabka baaritaanka ee la yiraahdo Xray, isagoo damacsanaa inuu gudaha u galo garoonka, hase ahaatee Ilaalada ayaa celiyay sarkaalka oo ku amray in Bastoolad aan lala geli karin, waxaana taas ay keentay isku dhac dhex iyo aflagaado dhex maro Sarkaalka iyo ilaaladii shirkadda, iyadoo ay gaartay heer Bastoolad la isla baxo, lana isku hanjabo.

Inta badan shirkadda ayaa cabasho ka qaba Saraakiisha iyo xubnaha mas’uuliyiinta ee bastooladaha wata inay gudaha garoonka, gaar ahaan Terminalka ay la soo galaan.

Mas’uuliyiinta Shirkadda ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha qaabilsan garoonka in arrintan si deg deg u soo fara geliyaan, isla markaana ay ka qaadaan tallaabo sharci ah.

Halkan hoose ka akhriso warqada cabashada ee ka soo baxay Shirkadda Favori LLC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip