Donald Trump oo Ka Fekeraya in uu Tallaabo Milteri Ka Qaado Dalka Venezuela

0
Saturday August 12, 2017 - 12:38:07 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump oo Ka Fekeraya in uu Tallaabo Milteri Ka Qaado Dalka Venezuela

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in aanu meesha ka saareyn in ay farogelin Milteri ku sameeyaan Venezuela, kadib markii xaaladiisa siyaasadeed noqotey mid degi weydey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in aanu meesha ka saareyn in ay farogelin Milteri ku sameeyaan Venezuela, kadib markii xaaladiisa siyaasadeed noqotey mid degi weydey.

Trump oo ka hadley xaaladda dalalka Koonfurta Ameerika maalintii Jimacada ayaa sheegay in Maraykanku haysto talooyin badan oo la xiriira Venezuela, mid kamid ah talooyinkaasna uu yahay in ay faro gelin ciidan ku sameeyaan, haddii loo baahdo.

– Dadku aad ayey u liitaan waana dhimanayaan ayuu yiri Trump oo faaladiisa sii wata.

Sida laga soo xiganayo xarunta Pentagon ee gaashaandhigga Maraykanka ma jirto wax amar ah oo uga yimid dhanka Madaxweynaha iyo wax is diyaarin ah oo la xiriirta tallaabo laga qaado Venezuella.

Wasiirka Gaashaangigga ee dalka Venezuela Vladimir Padrino ayaa hanjabaada Trump ku tilmaamey waali cad.

Rabshadaha ka socda dalka Venezuella ee la xiriira doorashadii Madaxweynaha iyo weliba xaaladda dhaqaale waxaa ku geeriyoodey boqolaal qof, waxaana Qaramada Midoobey dalabatey in baaritaan madaxbanaan uu ka dhaco dalkaas.

Dalka Maraykanka ayaa horey dalal ay ka mid yihiin Panama iyo Haiti ugu sameeyey farogelin Milteri kuwaas oo dhaca Bartamaha Ameerika.

Qorshaha Trump uu ku dhawaaqey ayaa ka hor imaanaya ololihiisi doorashada ee ahaa in Maraykanku ahayn Booliska Caalamka, xoogana uu saari doono waxa loogu yeero America First.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip