Madaxweyne Farmaajo oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha Dib Loo Doortay Uhuru Kenyatta

0
Saturday August 12, 2017 - 11:09:16 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha Dib Loo Doortay Uhuru Kenyatta

    Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar labaad dib loo doortay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar labaad dib loo doortay.

Madaxweynaha ayaa yiri "Madaxweyne Kenyatta ma aha saaxiib qura, balse waa hoggaamiye dadaal badan oo dareen horumarineed leh. Waan ugu hambalyeynayaa guushiisa.”

Madaxwyene Farmaajo waxa uu kalsooni weyn ku qabaa in dib u doorashada Madaxweyne Kenyatta ay sii xoojineyso xiriirka wanaagsan ee haatan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

"Aniga iyo Madaxweyne Kenyatta waxaan wadaagnaa hiraal ku dhisan nabad, xasillooni iyo koboc dhaqaale oo dhexmara labadeenna dal iyo guud ahaa gobolka.”

Soomaaliya waxaa kala dhaxeeya Kenya xiriir dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed oo qotodheer, kaas oo sii xoogeystay keddib markii Madaxweyne Farmaajo uu booqday Nayroobi bishii Maarso ee sanadkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay hormariso nabadda, ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la wadaagto Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip