Dooni 2aad oo Muddo 24 Saac Gudaheed ah oo Dad Tahriibayaal ah Ku Daadisay Xeebaha Dalka Yemen

0
Friday August 11, 2017 - 16:33:25 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dooni 2aad oo Muddo 24 Saac Gudaheed ah oo Dad Tahriibayaal ah Ku Daadisay Xeebaha Dalka Yemen

    Waxaa sare usii kaceysa tirada Tahriibayaashii Soomaalida iyo Itoobiyaanka ah ee ku dhintay badda dalka Yemen, waxaana hada la xaqiijiyey inay dooni labaad ay dad horleh ku daadisay xeebaha Yemen muddo 24 saac gudaheed ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sare usii kaceysa tirada Tahriibayaashii Soomaalida iyo Itoobiyaanka ah ee ku dhintay badda dalka Yemen, waxaana hada la xaqiijiyey inay dooni labaad ay dad horleh ku daadisay xeebaha Yemen muddo 24 saac gudaheed ah.

Hay’adda socdaalka ee caalamiga ah IOM ayaa sheegtey labadan doonyood sideen dad tahriib ah oo ka timid Soomaaliya ay dadkaasi ku dejisey ka hor inta aysan gaarin xeebta Yemen, waxaana halkaas ka dhacdey geeri aad u foolxun.

Waxay ahayd Khamiistii shalay markii ay dooni siday 160 tahriibayaal ah dadkaasi si khasab ah ugu daadisay meel ka fog xeebta. Waxaa halkaasi ku dhintay ugu yaraan 50 qof.

Doonidan labaad ayaa la sheegay in shalay gelinkii danbe ay sidaas oo kale iyaduna dadka ku daadisay meel aad uga fog xeebta, waxaana illaa iyo hada la xaqiijiyey meydadka lix qof, waxaana weli la la’a yahay 13 qof oo kale. Doonidan danbe ayey ka badbaadeen dadkii saarnaa tiro lagu qiyaasay 84 qof.

Dadka meydadkooda laga helay xeebta ayaa Gacmaha ka xirnaa, waxaana muuqata in si bareer ah loo dilay oo bada lagu tuuray iyagoo gacmaha ka xiran.

Waxay u badnaayeen dadka tahriibayaasha ah Soomaaliya iyo Itoobiyaan dhalinyaro qaarkood ay aad u da’ a yaraayeen.

Illaa iyo hada lama sheegin halka ay doontan kasoo baxday, balse doomaha tahriibta qaada ayaa intooda badan ka baxa xeebaha gobalka Bari iyo duleedka magaalooyinka Bosaaso & Laas Qorey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip