Waddo u Xineyd Ciidamada AMISOM Ee Degmada Buulo Burde oo Dib Loo Furay (Sawiro)

0
Friday August 11, 2017 - 12:20:49 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddo u Xineyd Ciidamada AMISOM Ee Degmada Buulo Burde oo Dib Loo Furay (Sawiro)

    Wararka ka imanaya degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidmada AMISOM ay fureen wadada laamiga ah oo hore ugu xirneyd kadib markii ay wadahadalo dhex mareen maamulka degmada iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidmada AMISOM ay fureen wadada laamiga ah oo hore ugu xirneyd kadib markii ay wadahadalo dhex mareen maamulka degmada iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Buuloburde Cabdi Daahir Guure ayaa la kulmay dhowaan saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM isagoo kala hadlay sidii ay u dib ugu furi lahaayeen wadada laamiga ah ee dhex marta degmadaas.

Furitaanka kadib ayaa shacabka magaalada Buuloburde waxa ay bilaabeen inay ka shaqeeyaan nadaafada goobaha muhiimka ah ee magaalada sida Xarunta maamulka degmada ,Maxkamadda,iyo afaafka hore ee Masaajidka weyn ee ku yaala bartamaha magaalada.

Guddoomiyaha degmada Buuloburde ayaa sheegay in ay sare u qaadi doonaan horumarinta degmada Buuloburte isagoo u mahadceliyay shacabka magaalada dadaalka ay muujiyeen.

degmada Buuloburde oo ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan ayaa waxaa bartamaha ka mara wadada laamiga ah ee isku xirta gobolada Koofureed iyo kuwa Waqooyi ee dalka Soomaalya hase yeeshee wadadaaas ayaa u xiran ururka Alshabaab iyadoo gaadiidka ay isticmaalaan wadooyin qardo jeex ah.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip