Khasaare Ka Dhashay Dagaal Degmada Far-Libaax Ku Dhex Maray Ciidamada Dowladda Iyo Al-shabaab

0
Friday August 11, 2017 - 12:07:11 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaare Ka Dhashay Dagaal Degmada Far-Libaax Ku Dhex Maray Ciidamada Dowladda Iyo Al-shabaab

    Ciidamo Al-shabaab ah ayaa xalay jidka u galay gaadiid iyo ciidan ay laheyd dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku socday Far Libaax, gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo Al-shabaab ah ayaa xalay jidka u galay gaadiid iyo ciidan ay laheyd dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku socday Far Libaax, gobolka Hiiraan, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare.

Jamaal Xaaji, guddoomiyaha degmada Far Libaax  ayaa sheegay in ciidamo Al-shabaab ahaa ay dhexda u galeen kuwoo dowladda ah oo Far Libaax ku socday, waxaa uu intaa raaciyay in goobta uu ka ag dhawaa saldhig ay leeyihiin militariga Soomaaliya.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay waxaa uu leeyahay, Al-shabaab waxaa ka dhintay 4 askari, 3na dhaawac ayey ku qaateen halka dhanka dowladda laga dilay 2 askari.

Al-shabaab waxaa ay ka talisaa deegaanno badan oo Hiiraan ka tirsan, gaar ahaan meelaha ka fog magaalooyinka waaweyn, waxaa ay sidoo kale weeraro ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip