Wararkii u Danbeeyey Ee Natiijada Doorashada Madaxtinimo Ee Dalka Kenya

0
Friday August 11, 2017 - 12:01:43 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii u Danbeeyey Ee Natiijada Doorashada Madaxtinimo Ee Dalka Kenya

    Guddiga Doorashooyinka dowladda Kenya ayaa lagu wadaa in maanta gelinka danbe ay ku dhawaaqaan natiijada rasmiga ah ee Doorashadii Kenya ka dhacdey maalintii Salaasada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Doorashooyinka dowladda Kenya ayaa lagu wadaa in maanta gelinka danbe ay ku dhawaaqaan natiijada rasmiga ah ee Doorashadii Kenya ka dhacdey maalintii Salaasada.

Natiijada hordhaca ah ayaa muujineysa in uu ku guuleystey Madaxweynaha hadda xafiiska fadhiya Uhuru Kenyatta. Waxaa natiijadaas qaadacay ninka la tartamaayey ee hoggaamiya mucaaradka Raila Odinga, waxaana uu sheegay in la jabsadey Serfarada codbixinta loogu shubey Uhuru Kenyatta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada kenya Wafula Chebukati ayaa sheegay in la isku dayey in la jabsado qaabka doorashada ee Elektroonidakada ah laakiin uu noqdey mid fashilmey.

Mucaaradka uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa soo saarey maalintii shalay tiro iyaga gaar u ah taas oo ka dhigeysa in Raila Odinga guuleystey, waxaana arrintaas canbaareeyey guddiga doorashada oo dalabdey in la sugo natiijada rasmiga ah.

Rabshado ayaa ka dhacay meelo kala geddisan, waxaana dhimadhadu maraysaa dad ka badan shan qof.

Jidadka caasimadda ee Nayroobi ayaa maanta cidla ah, waxaa si weyn looga cabsi qabaa in rabshado dhacaan marka lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah.

Korjoogayaasha caalamiga ah ee uu kamid yahay xoghayahii hore ee Maraykanka John Kerry ayaa amaaney qaabka doorashadu u dhacdey.

Doorashadii Kenya ka dhacdey sanadkii 2007 ayaa dhalisey Rabshado aad u culus oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 1100 oo qof, waxaana ku barakacay Boqolaalkun oo qof.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip