Mareykanka oo Xaqiijiyay inay Qaadeen Weerar Ka Dhan ah Al-Shabaab

0
Friday August 11, 2017 - 11:54:01 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Xaqiijiyay inay Qaadeen Weerar Ka Dhan ah Al-Shabaab

    Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa war ka soo saartay weerar laga fuliyay agagaarka Gobolka Banaadir, kaasoo la rumeysan yahay in lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa war ka soo saartay weerar laga fuliyay agagaarka Gobolka Banaadir, kaasoo la rumeysan yahay in lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka Africom ayaa lagu xaqiijiyay weerarka laga fuliyay meel ku dhow magaalada Muqdisho oo aan magaceeda la sheegin.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Mareykanka si dhow ula shaqeyn doono saaxibadood Soomaaliya iyo xulafada gobolka, si loogu jebiyo Al-Shabaab, laguna soo celiyo xasilooni iyo nabadgelyo.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay inay qiimeyn ku wadaan natiijada weerarka, isla markaana wixii warbixin ay dib ka soo sheegi doonaan.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidamada qaaday howl galkan aan la shaacin doonin, si loo xaqiijiyo amnigooda

Goor sii horeysya war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu amray weerar qorsheysan oo lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, sida qoraalka lagu xusayna waxaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Muqdisho.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip