Donald Trump oo Safarkiisa ugu Horeeyey ku tagaya Sacuudiga

0
Friday May 19, 2017 - 15:35:15 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump oo Safarkiisa ugu Horeeyey ku tagaya Sacuudiga

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa safarkii ugu horeysay tan iyo intuu xilka la wareegay ku tagaya maanta oo Jimce dalka Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa safarkii ugu horeysay tan iyo intuu xilka la wareegay ku tagaya maanta oo Jimce dalka Sacuudiga.

Trump ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay Boqortooyada Sacuudiga uu sidoo kale kulamo la yeesho hogaamiyayasha dalalka Khaliijka oo halkaasi iyaguna tagi doona.


Waa booqashadii ugu horeysay ee Trump ku tago dal Muslim ah tan iyo wakhtigii uu xilka u tartamayey oo uu bilaabay hadalada muslim naceybka ku dheehantahay. Waxaana isha lagu haya khudbada uu usoo jeedin doono hogaamiyayaasha dalalka Muslimka ee uu kula kulmi doono Sacuudiga.

Trump ayaa ka qeyb geli doonaa sadex kulan oo ka dhacaya Sacuudiga, shir u dhaxeeya Sacuudiga & Maraykanka, Shirka dalalka Khaliijka & Maraykanka iyo shirka dalalka Carabta & Islaamka.

Qaar kamid ah hogaamiyaasha dalalka Khaliijka ayaa doonaya inay ka dhaadhiciyaan Trump inuu soo xoojiyo cadaadiska lagu hayo dalka IRAN oo ay jaarka yihiin. Waxaana la filayaa inay si gaar ah uga wadahadlaan dagaalada ka socda Siiriya iyo Yemen.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa dhankiisana doonaya in dalalka tujaarta ah ee Carabta ay sare u qaadaan maalgashiga iyo shaqo abuurista wadanka Maraykanka. Sidoo kale dalalka Carabta ayaa intooda badan hubka ka gata Maraykanka taasi oo kamid ah dakhliga shirkadaha waaweyn ee hubka u sameeya Maraykanka.

Kadib safarka Sacuudiga wuxuu uga sii gudbi doonaa dhulka Falastiin, Israel iyo Italy.

Wuxuuna safarkiisan kusoo afjari doonaa magaalada Brussels ee dalka Belguim, halkaasi oo uu ka dhici doono shirweynaha isbaheysiga NATO.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip