Roobab Xooggan oo Sababay Daada Badan oo Xalay ka da'ay Magaalada Muqdisho

0
Friday May 19, 2017 - 15:23:46 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Xooggan oo Sababay Daada Badan oo Xalay ka da'ay Magaalada Muqdisho

    Roobab xooggan oo sababay daadad ayaa xalay ka da'ay magaalada Muqdisho, kaasoo saameeyay shacabka ku nool inta badanxaafadaha Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab xooggan oo sababay daadad ayaa xalay ka da'ay magaalada Muqdisho, kaasoo saameeyay shacabka ku nool inta badanxaafadaha Muqdisho.


Roobabkan oo muddo saacado socday ayaa watay dabeylo, waxaana waddooyinka waa weyn ay noqdeen kuwo biyo badan ay xireen.

Waddooyinka qaar ayaa la sheegay in gaadiid marayay inay daadad, waxaana meelaha qaar la soo sheegayaan inay dad ku dhaawacmeen guryo ku soo dumay.

Xaafada Buulo Xuubey ee degmada Wadajir ayaa ka mid ah meelaha ay saameeyeen roobabka, waxaana war ay biyaha galaan ay noqotay mid aad u buuxsantay, taasoo keentay inuu ku soo fataho xaafadaha oo guryo badan ay biyo galeen

Dad badan ayaa ka barakacayguryahooda oo ay biyo ugu soo galeen, waxaana ay aadeen xaafado kale.

Sidoo kale roobabka ayaa saameyn ku yeeshay dadkabarakacayaasha ee degan duleedyada Muqdisho, kuwaasoo aqaladooda ay biyo ugu soo galeen, maadaama aqaladooda ay ka sameysan yihiin baco iyo cooshado.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip