Barlamaanka Puntland oo Ka Horyimid Qorshaha Madaxweyne Gaas ee Kordhinta Xildhibaanada.

0
Thursday May 18, 2017 - 23:22:42 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barlamaanka Puntland oo Ka Horyimid Qorshaha Madaxweyne Gaas ee Kordhinta Xildhibaanada.

    Gollaha wakiiladda dowladda Puntland ayaa ka horyimid codsigii madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ee ahaa in xubno dheeraad ah lagu kordhiyo barlamaanka Puntland oo haatan tiradiisu tahay 66 Mudane.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gollaha wakiiladda dowladda Puntland ayaa ka horyimid codsigii madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ee ahaa in xubno dheeraad ah lagu kordhiyo barlamaanka Puntland oo haatan tiradiisu tahay 66 Mudane.

Ilaa 62 xildhibaan oo iskood isku xilqaamay ayaa saxiixay warqad ay ku diideen soo jeedinta Madaxweynaha, taasi oo maanta loo gudbiyay guddoonka barlamaanka Puntland ee fadhigiisu yahay Garoowe.


Go’aanka ay ku diideen qorshaha madaxweynaha ayay xildhibaanadu ku sababeeyeen inuu dhaawacayo amniga iyo xasiloonida ka jirta degaamadda Puntland, inaysan Xal ahayn iyo sidoo kale inaysan ahayn baahi la dabooli karo.

Barlamaanka Puntland oo la yagleeyay 1998dii ayaa lagu qaybsaday Gobolo, iyadoo xildhibaanadu ay ka kala socdaan 5tii gobol ee Puntland lagu asaasay iyo degmadda Buuhoodle.

Madaxweynaha Puntland ayaa toddobaadkan sheegay in warqad codsi ah u gudbiyay guddoomiyaha Barlamaanka oo uu ku codsaday in la furo barlamaanka, laguna darro qabaa’ilka ka maqan ee reer Puntland.

Wuxuu sheegay inuusan garanayn wixii markii hore lagu saleeyay Barlamaanka oo uu sheegay 50% beelaha Puntland ay ka maqan yihiin.

Dhinaca kale, Xildhibaan Saciid Cabdi Samatar Surcad oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa sheegay in beelaha dega Puntland aysan ku dulmanayn Dastuurka, balse xaqoodu ku maqanyahay gobolka, taasoo la macno ah in Xildhibaanadu ku yimaadaan qaab gobol oo ku salaysan nidaamkii lagu dhisay maamulkan.

Gabagabdii, Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalooyinka Puntland iyo dalka dibadiisa ka dhacayay shirar ay beeluhu kaga arrinsanayeen kordhinta xubnaha barlamaanka, kuwasooo ka dalbanayay madaxweynaha Puntland in barlamaanku loogu daro xubno iyaga matala.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip