(Sawirro) Gudoomiyaha Cusub Ee Gobalka Sh/hoose Oo Maanta Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay

0
Thursday May 18, 2017 - 18:03:27 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 98
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Sawirro) Gudoomiyaha Cusub Ee Gobalka Sh/hoose Oo Maanta Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay

    Guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay guddoomiye Axmed Meyre Makaraan iyadoo munaasabadii ay xilka kula wareegayeen ay goobjoog ka ahaayeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay guddoomiye Axmed Meyre Makaraan iyadoo munaasabadii ay xilka kula wareegayeen ay goobjoog ka ahaayeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Munaasabadii xil wareejinta ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Jowhar,nabadoono,saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga,Booliska,haween iyo dadweyne.

Sidoo kale munaasabadan xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Sh/dhexe Abuukar Xasan Cali Maqaney oo haatan ka mid noqday xildhibaanada Hirshabeelle iyo guddoomiyihii hore ee ururka haweenka gobolka Sh/dhexe Marwo Sacdiyo Maxamed Nuur oo haatan noqotay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

Qaar ka mid ah nabadoono iyo waxgaradka gobolka Sh/dhexe oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in mudadii uu xilka ka hayay Cali Guudlaawe uu wax badan u soo qabtay bulshada gobolka Sh/dhexe haatana si sharaf leh uu ku wareejinayo xilka maamulka.

Wasiirka Warfaafinta,hiddaha iyo Dalxiiska dowlad goboleedka Hirshabeelle Mahad Xasan Cismaan oo ku hadlayay magaca golaha wasiirada dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in ay marqaati ka yihiin xil wareejinta maanta ka dhacday magaalada Jowhar ayna soo dhoweynayaan.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan oo hore u ahaa guddoomiye ku xigeenka maamulka Sh/dhexe ayaa waxaa guddoomiye u magacaabay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble 19kii Febraayo 2017,waxana hadal gaaban oo uu jeediyay ka sheegay munaasabadii xilka uu kula wareegayay inuu xilka kala wareegay isaga iyo gudoomihii hore laakiin ay sii wada shaqeyn doonaan maadaama uu yahay madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobaleedka Hirshabeele.

Gabagabadii munaasabadan oo uu ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay xilka maamulka gobalka in uu hori u wareejiyay ka hor inta uusan u tartamin xilka madaweyne ku xigeen maamulka hirshabeele laakiin xafladaan ay tahay mid ay kulak ala wareegayaan dukumiintiyo iyo sidoo kale gaadiid uu leeyahay gobolka Sh/dhexe.

Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa xilka gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe kala wareegay Cabdi Jiinoow Calasoow 22 08 2014,waxaana soo magacaabay dowlada federalka halka guddoomiyaha cusub ee gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan uu magacaabay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Sawirro.

d1d2d3d4d5d6d7




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip