Sawirro:-Xafalad Sagootin Ah Oo Loo Qabtay Ardeyda Fasalka 8-aad Ee Schoolka Riyaadul Janah Ee Magaalada Gaalkacyo

0
Thursday May 18, 2017 - 14:18:32 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Xafalad Sagootin Ah Oo Loo Qabtay Ardeyda Fasalka 8-aad Ee Schoolka Riyaadul Janah Ee Magaalada Gaalkacyo

    Xaflad Si Heer Sare Ah Loo Soo Agaasimay Oo Lagu Sagootinayay Arday Dhameysatay Fasalka 8-aad Ayaa Lagu Qabtay Xarunta Dugsiga Hoose Iyo Dhexe Ee Riyaadul Janah Internayional School Ee Magaalada Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad Si Heer Sare Ah Loo Soo Agaasimay Oo Lagu Sagootinayay Arday Dhameysatay Fasalka 8-aad Ayaa Lagu Qabtay Xarunta Dugsiga Hoose Iyo Dhexe Ee Riyaadul Janah Internayional School Ee Magaalada Gaalkacyo.


Xafladan Sagootinta Aheyd Ee Loo Qabtay Ardayda Fasalka 8-aad Ee Iskuulka Riyaadul Janah ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb-galay, Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Waxgaradka, Culimaa”udiin, Walidiin, Maamulka Iyo Macalimiinta Faracyada Iskuulka Riyaadul Janah Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Ku Nool Magaalada Gaalkacyo.
Intii Ay Xafladu Socotay ayaa Lagu Soo Bandhigay Gabayo Iyo Ruwaayado ka Turjumaya Qiimaha ay Lee Dahay Waxbarashada.


Maamulaha Guud Ee Iskuulka Riyaadul Janah Internayional School Sheekh Cali C/qaadir Xoday Oo Ka Hadlay Xaflada Ayaa ku Dheeraaday Waxqabadka Iskuulka Mudadii Uu Jiray, Isagoona Alle Uga Baryay Ardayda 8-aad In Ay Guul Ka Gaaraan Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Ay Ka Qaadayso Wasaarrada Waxbarashada Dowlada Puntland.


Kormeeraha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Yuusuf Cali Oo Asna Ka Hadlay Xaflada Sagootinta Aheyd Ee Loo Qabtay Ardayda Fasalka 8-aad Ee Iskuulka Riyaadul Janah Internayional School Ayaa Amaan U Jeediyay Maamulka Iyo Macalimiinta Iskuulka Riyaadul Janah, Waxaana Uu Sheegay In Ay Filayaan In Arday Fasalka 8-aad Ee Iskuulka Riyaadul Janah Internayional School Guulo Ka Gaaraan Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Ay Qaadayso Wasaaradda Waxbarashada Dowlada Puntland.


Ugu Dambeyntiina Guddiga Waalidiinta Iskuulka Riyaadul Janah Internayional School Ayaa Hambalyo Iyo Bogaadin U Diray Arday Fasalka 8-aad, Iyagoona Alle Uga Baryay In Ay Guul Ka Gaaraan Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Sawirro. DSC02988DSC02989DSC02990DSC02992DSC02998DSC03004DSC03006DSC03007DSC03009DSC03011DSC03014DSC03022DSC03034DSC03036DSC03038DSC03042DSC03044DSC03047DSC03051  DSC03056DSC03059DSC03060DSC03068DSC03069DSC03070




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip