War deg deg ah: Ciidan Gadoodsan oo goordhaw la wareegay xarunta Wasaaradda Gaashaan-dhigga Magaalada Moqdisho.

0
Thursday May 18, 2017 - 12:27:38 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War deg deg ah: Ciidan Gadoodsan oo goordhaw la wareegay xarunta Wasaaradda Gaashaan-dhigga Magaalada Moqdisho.

    Ciidamo gadoodsan oo katirsan Milatariga Soomaalia ayaa goordhaw la wareegay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho, Ciidamadan ayaana diiday in la galo ama laga baxo xarunta Wasaarada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo gadoodsan oo katirsan Milatariga Soomaalia ayaa goordhaw la wareegay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho, Ciidamadan ayaana diiday in la galo ama laga baxo xarunta Wasaarada.

Sida aan wararka ku heleyno Ciidamadan gadoodsan ayaa ah kuwa aad u badan oo wata gaadiidka dagaalka, waxa ayna xireen qeybo kamid ah laamiga Warshadaha gaar ahaan Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Ciidamadan ayaa diiday in laga so baxo ama la galo xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, waxa ayna ciidanka sheegeen in ay ka gadoodsan yihiin mushaarkooda aysan helin dhoor bil ayna doonayaan in ay helaan xaquuqda ka maqan.

Mid kamid ah askarta Milatariga ee gadoodka sameeyay ayaa noo sheegay in ay ka careysan yihiin hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadanaa in ciidanka Milatariga ay heleen mushaarkooda sadexdii bil ee ugu dambeysay, waxa uuna tilmaamay in dhoor bil mushaarkooda uu ka maqan yahay



Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa xitaa ciidamada AMISOM gaar ahana kuwa Burundi u diiday in ay maraan laamiga Warshadaha waxa ayna ciidamada AMISOM ku qasbeen in ay dib ugu laabtaan xerada ay ku leeyihiin Kuliyada Jaalle Siyaad kadib markii loo diiday in ay laamiga maraan.


Waa markii labada ee gadood sameeyaan Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ka cabanaya Mushaar la’aanta tan iyo markii xilka Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Farmaajo, lamana oga waxa xiligan ku soo beegay gadoodka ay sameeyeen ciidankan katirsan Milatariga Soomaaliya.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha gadoodkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip