Madaxweynaha Brazil oo lagu Baaqay in Xilka laga Xayuubiyo Kadib Markii....

0
Thursday May 18, 2017 - 10:46:09 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Brazil oo lagu Baaqay in Xilka laga Xayuubiyo Kadib Markii....

    Xisbiyada mucaaridka Brazil ayaa bilaabay olole ay doonayaan in xilka looga qaado Madaxweynaha Brazil Michel Temer oo la sheegay inuu lacago laaluush ah ku bixiyey markhaatiyaal ka haya sirta kaalintii uu ku lahaa musuq maasuqa dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyada mucaaridka Brazil ayaa bilaabay olole ay doonayaan in xilka looga qaado Madaxweynaha Brazil Michel Temer oo la sheegay inuu lacago laaluush ah ku bixiyey markhaatiyaal ka haya sirta kaalintii uu ku lahaa musuq maasuqa dalkaasi.

Madaxweyne Temer ayaa la sheegay inuu khadka telefonka kula hadlay Afhayeenkii hore ee Golaha Shacabka Eduardo Cunha oo isagu hada xabsiga ku jira una xiran lunsashada malaayiin dollar oo ay lahayd shirkada Batroolka dalkaasi ee Petrobras.


Madaxweynaha ayaa la sheegay in laga duubay telefonkii uu u diray Eduardo Cunha isagoo u balan qaadaya lacag laaluush ah haduu qariyo sirtiisa isla markaana uusan wax xog ah siin Xeer illaalinta baaritaanka wada.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa beeniyey warkan soo shaac baxay iyagoo sheegay in aysan jirin wax lacag laaluusha ah oo uu Madaxweynaha siiyey ama u balan qaaday saaxiibadiisa xabsiga ku jira.

Fadeexadii musuq maasuqa ee Shirkada batroolka dalkaasi ee Petrobras ayaa ahayd mid ay ku lug lahaayeen inta badan siyaasiyiinta iyo madaxda dalkaasi Brazil, Madaxweynaha Temer oo horey usoo noqday Madaxweyne kuxigeen ayaa xilka la wareegay sanadkii hore kadib markii Awooda laga xayuubiyey Madaxweynihii hore Mrs. Dilma Rousseff.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip