AKHRISO-Itoobiya oo u Dirtay Somaliland Hambalyo ku Aadan Maalinta 18-ka May

0
Thursday May 18, 2017 - 10:36:21 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO-Itoobiya oo u Dirtay Somaliland Hambalyo ku Aadan Maalinta 18-ka May

    Dowladda Itoobiya ayaaugu hambalyeysay Somaliland 26-guuradii ka soo wareegatay, markii ay ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale, ayna tahay Jamhuuriyad madax banaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Itoobiya ayaaugu hambalyeysay Somaliland 26-guuradii ka soo wareegatay, markii ay ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale, ayna tahay Jamhuuriyad madax banaan.

Warqad uu qoray Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiya Hargeysa Gen. Berha Tesfaye ayuu ugu hambalyeeyay shacabka iyo Maamulka Somaliland maalinta ay u asteeyeen Qaranimada ee 18-ka May sida uu yiri.

"Waxaa jecelahay inaan si diiran ugu hambalyeeyo shacabka iyo dowladda Somaliland, maalinta qaranimada Somaliland ee 18-ka May”ayaa lagu yiri warqada uu Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiya Itoobiya oo ah Generaal Ciidan.

Warqadan oo nuqul ka mid ah ay heshay Jowhar.com ayaawaxaa lagu yiri in labada dowladdood Itoobiya iyo Somaliland ay sii xoojinayaan xiriirka saaxibtinimo ee ka dhaxeeya, isagoo shacabka Somaliland u rajeeyay horumar iyo barwaaqo.

Sida muuqata warqadan ayaa ka hor imaaneysa heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku gaareen Addis Ababa horaantii bishan, markii Madaxweyne Farmaajo booqday.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa caddeeyay in aysan Itoobiya fara gelin doonin madax banaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

Hase ahaatee qoraalkan ka soo baxay Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiya Hargeysa wuxuu ka hor imaanaya hadalkii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale Itoobiya ayaa siisay dhisme ay degto xafiiska howl galka diblomaasiyadda Somaliland ee Addis Ababa, waxaana xafiiskan uu u howl galayaa qaab safaarad oo kale, waxaana arrintan lala xiriiriyay inay jawaab u tahay saamiga Itoobiya laga siiyay Dekeda Berbera ee ah 19%

Tan iyo wixii ka dambeeyay heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa soo baxayay isku dhex yaac ka dhex jiray qeyb Xisbiga EPDRF ee talada dalka Itoobiya gacanta ku haya, gaar ahaan Xisbiga TPLF garabkiisa ciidanka uusan ku qanacsaneyn heshiiskaas, maadaama Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu si saraaxad leh u hadlay, una caddeeyay mowqifkiisa.

Lama oga mowqifka ay ka qaadan doonto dowladda Soomaaliya tallaabadan ay Itoobiya ugu muujisay Somaliland sidii dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale, sidoo kale waxaa la filayaa in dowladdu u qorto Itoobiya warqad cabasho ah oo arrintan ku saabsan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip