DHAGEYSO:-Xukuumadda oo la Xisaabtameyso Maamulkii Hore ee Furdada Garoonka Diyaaradaha

0
Thursday May 18, 2017 - 10:15:48 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO:-Xukuumadda oo la Xisaabtameyso Maamulkii Hore ee Furdada Garoonka Diyaaradaha

    Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay la xisaabtameyso Maamulkii hore Furdada garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib markii ay ku soo baxday fadeexad ku aadan lunsasho canshuurihii laga qaadayay Qaadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay la xisaabtameyso Maamulkii hore Furdada garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib markii ay ku soo baxday fadeexad ku aadan lunsasho canshuurihii laga qaadayay Qaadka.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in aanay jirin cid ka fakaneyso la xisaabtanka, isla markaana wax laga weydiinayo Maamulkii hore ee Furdada sababta lagu qabtay lacagaha dheeraadka oo bilihii hore lagu qaban waayay.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in la daba geli doono wixii hore, isla markaana cidii lagu helo musuq maasuq tallaabo cad laga qaadi doono.

"Waxaa jiri doona isla xisaabtan bilihii hore ah, sababta labada cisho lagu qabtay dakhligan oo loo qaban waayay bilihii hore, cid ka fakaneyso ma jirto isla xisaabtankan, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waa ka go’an tahay in la ciribtiro musuq maasuqa”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Canshuurta laga qaadayay Qaadka ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay korortay 30%, waxaana layaab noqotay in Maamulka cusub ee Furdada Garoonka uu soo xareeyay lacago ka badan, intii ay qaban jireen maamulkii hore, taasoo keeneysa inuu jiray lacago laga musuq maasuqi jiray canshuuraha Qaadka.

Madaxda dowladda ayaa dhowr jeer oo hore ku celiyay inay la dagaalamayaan musuq maasuqa, isla markaana cid kasta oo lagu helo musuq maasuq ama xatooyo hanti qaran tallaabo adag laga qaadayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip