(SAWIRRO) Kulamada Semi Finalka ee Champions League iyo Europe League oo la soo saaray

0
Friday April 21, 2017 - 18:53:21 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (SAWIRRO) Kulamada Semi Finalka ee Champions League iyo Europe League oo la soo saaray

    Isku aadka Semi-finalka tartanka Horyaalka Yurub Champions League iyo tartanka UEFA oo loogaga dhowaaqay ayaa waxaa ka soo baxay kulamo adadag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isku aadka Semi-finalka tartanka Horyaalka Yurub Champions League iyo tartanka UEFA oo loogaga dhowaaqay ayaa waxaa ka soo baxay kulamo adadag.

Kooxaha ka dhisan magaalada Madrid ee dalka Spain Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa isku soo beegmay iyadoo kulamadoodu ay noqon doonaan Madrid Derby.


Sidoo kale Juventus iyo As Monaco ayaa isku aaday waana markii ugu horeysay oo ay labadaan kooxood isku aadaan tan iyo 2015 markaas oo ay isku arkeen wareega Quarter finalkaChampions League, Juventus ayaana tartanka ka saartay kooxda faransiiska ah.



Lugta hore ee Semi Finalka waxaa la ciyaari doona 2-da May iyo 3-da May halka lugta labaad la ciyaari doono 9-ka iyo 10-ka May.

Dhinaca kale isku aadka wareega Semi-finalka UEFA Europa League ayaa la sameeyay,waxaana finalka tartankaan lagu qaban doonaa wadanka Sweden gaar ahaan magaalada Stockholm.


Manchester United ayaa ku aaday kooxda Spain ee wacdaraha ka dhigeysa tartanka Celta de Vigo halka kooxaha Ajax Amsterdam iyo Olympique Lyon ay isku beegmeen.


Kulamada lugta hore waxaa la ciyaari doonaa 4-ta May, halka lugta labaad la ciyaari doono 11-ka May, finalkana dabcan waxaa la ciyaari doonaa 24-ka May.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip