Madaxtooyada oo bilowday barnaamij Baraha bulshada su'aalo lagu weydiinayo Madaxweynaha

0
Friday April 21, 2017 - 18:46:39 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada oo bilowday barnaamij Baraha bulshada su'aalo lagu weydiinayo Madaxweynaha

    Madaxtooyada Villa Somalia ayaa maanta oo jimco ah bilowday Kulan Talo Wadaag ah oo Su'aalo lagu weydiinayo Madaxweynaha, gaar ahaan baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka Madaxtooyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa maanta oo jimco ah bilowday Kulan Talo Wadaag ah oo Su'aalo lagu weydiinayo Madaxweynaha, gaar ahaan baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka Madaxtooyada.


"Madaxweynuhu wuxuu martigalinayaa kulan#TaloWadaagah, waxaadna su’aalaha kusoo gudbin kartaan Twitter iyo Facebook”ayaa lagu yiri qoraalo la soo geliyay baraha bulshada Madaxweynaha.

Su’aal weydiintan ayaa bilaabatay saaka 9-ka subaxnimo xilliga Geeska Afrika, iyadoo ay ku egtahay 3-da galabnimo.

Kulanka Talo wadaag ee su’aal weydiinta Madaxweynaha ayay dadka fariimo ugu dirayaan baraha bulshada Madaxtooyada, sidoo kalena adeegsanaya Hashtag #TaloWadaag ama #TalkandTweet.

Sidoo kale waxaa barta Twitter-kain Madaxweynaha uu su’aalaha ka jawaabi doono caawa, iyadoo illaa iyo hada dad ku dhow boqol ruux ay su’aalo weydiiyeen.

Hadaba waxaa la sugayaa jawaabaha Madaxweynaha ka bixiyo su’aalaha la soo weydiiyay oo qaarkood ah kuwo xasaasi ah.

 

Waxaan bilawnay inaan qabanno su'aalihiina oo caawa madaxweeynaha uga jawaabi doono kulanka. Fadlan soo gudbi, su'aashaadda.

 
 

 

Waxaad su'aashaadda kusoo gudbin kartaa adigoo isticmaalaayo, farriin-na waad noogu soo diri kartaa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip