Gollaha Wasiiradda Puntland oo Amaro Cusub Ka Soo Saaray Koox Diimeedka Al-saaciduun Bil-xaq

0
Friday April 21, 2017 - 10:57:16 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 384
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gollaha Wasiiradda Puntland oo Amaro Cusub Ka Soo Saaray Koox Diimeedka Al-saaciduun Bil-xaq

    Shirkii Golaha xukuumadda dowladda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne K/xigeenka dowladda Puntand eng Cabdixakiim cabdullahi Xaaji Cumar ayaa looga hadlay arrimaha kala ah khatarta koox Diimeedka Al-saaciduun al-xaq, Amniga dalka, xaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii Golaha xukuumadda dowladda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne K/xigeenka dowladda Puntand eng Cabdixakiim cabdullahi Xaaji Cumar ayaa looga hadlay arrimaha kala ah khatarta koox Diimeedka Al-saaciduun al-xaq, Amniga dalka, xaalada abaaraha, xeerka tacliinta sare, Kor uqaadida dakhliga dalka, xanuuno ka dilaacay gobolada Cayn, Sool iyo Nugaal iyo warbixino kale

War-murtiyeed ka soo baxay shirka khamiislaha ayaa lagu sheegay in Dowladda Puntland ayaa amniga guud ee Puntland ku samayn-doonta di bu qiimeyn dhinac walba ah, gaar ahaan qaabka howl-galada magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Gollaha Xukuumadu waxay falanqayn dheer ka dib soo saareen amar cusub oo wax looga qabanayo Koox Diimeedka la magac baxay Al-Saaciduun Bil Xaq, oo golluhu uu ku tilmaamay  koox Baadiyeysan  oo Takfiir ah

Golluhu waxay sheegeen in kooxdani ay  khatar kutahay diinta Islaamka, Caqiidada, Amniga dadka iyo Dalka, waxayna amar ku bixiyeen in la soo tiro-koobo oo la diiwaangaliyo xarumaha ay ka shaqeeyaan ama ay gacanta ku hayaan

"goluhu wuxuu faray laamaha amniga in si buuxda loo diiwaan geliyo goobaha ay uga sugan yihiin Puntland, ka dibna gacanta lagu dhigo meelaha xarumaha u ah ururkaas, Lagana cayriyo shaqada xubin kasta oo lagu ogaado inuu ka tirsan yahay Koox-diimeedkaas” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka gollaha Xukuumadda Puntland.

Gabagabadii, Kooxdan Al-saaciduun Bil-xaq oo dhammaan goboladda dalka laga dhawaaqay bishan, ayaa isla toddobaadkan waxaa amar lagu xaarantinimaynayo jiritaankooda waxaa soo saaray dowladda federaalka, waxaa kaloo lagu qabtay magaalooyinka waaweyn ee Puntland Nadwo lagaga hadlayo khatarta caqiidada ay xambaarsan yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip