Madaxda Soomaalida Oo Qaybsaday Ka Qaybgalayaasha Shirka London.

0
Friday April 21, 2017 - 10:46:24 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Soomaalida Oo Qaybsaday Ka Qaybgalayaasha Shirka London.

    Dhowaan waxaa la filayaa in Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska uu ka furmo shirka looga hadlayo arrimo Soomaaliya oo ay hormuud u tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhowaan waxaa la filayaa in Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska uu ka furmo shirka looga hadlayo arrimo Soomaaliya oo ay hormuud u tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada shir kula yeeshay Magaalada Muqdisho, waxayna ka wada hadleyn arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya oo ay ka mid aheyd sida loo sugayo amniga iyo ciidamada Somaaliya loo qorayo.



Qodobka kale ee muhiimka ah oo ay dowladda iyo Maamul Goboleedyada kawada hadleen ayaa wuxuu ahaa shirka London ka furmayo, waxayna dowladda Soomaaliya Maamul Goboleedyada ku qancisay inay dowladda uga dambeeyaan shirkaas ayna noqdaan wafdi kamid ah wufuudada Madaxwyenaha.


Warar lagu kalsoon yahay oo la helay ayaa sheegaya in maamul goboleedyada loo ogolaaday iney xubno ku yeshaan shirkaas muhiimka u ah Soomaaliya


Madaxweynaha maamul goboleed walba ayaa waxaa loo ogolaan doonaa inuu horey u wato 2 shaqsi oo uu isaga seddex ku yahay, waxaana arrintaas isla ogolaaday dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada.


Dowladda dhexe waxaa u matali doono Madaxweynaha Soomaaliya oo horkici doono wafdi heer sare ah, sidoo kalana waxaa ka qeyb geli doono dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada, waxayna isku darka wufuudda loo ogol yahay Maamul Goboleedyada noqoneyaa ilaa 15 shaqsi oo ay ku jiraan Madaxweynayaasha maamuladaas.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip