Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeybgalay dalka Mareykanka

0
Thursday April 20, 2017 - 17:52:58 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeybgalay dalka Mareykanka

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayo dhaqaalaha Adduunka oo lagu qabtay magaalada Washington ee Caasimadda Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayo dhaqaalaha Adduunka oo lagu qabtay magaalada Washington ee Caasimadda Mareykanka.


Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in u jeeddada shirka ay u tageen tahay ka qeybgalka sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka oo sanadkasta qabta labo shir, waxaana la isku xogwareystaa in dowlad waliba waxa ay tabaneyso laga wareysto.



Wasiir Beyle ayaa hadalkiisa ku daray "Sanduuqa lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa labo shir qabta, waxaa shir adduunka oo dhan ay isugu timaado, oo ay kala hadasho waxa ay tabanayaan, isla markaana ay u ogolaato inay qaataan deymo horleh”


Mudane Beyle ayaa sheegay in Adduunka uu aad u xiseeynayo dawladda cusub ee Soomaaliya waxaana uu tilmaamay in waxyaabo badan ay ka wada hadleen sidii Dawladda Soomaaliya looga taakuleen lahaa xaga dhaqaalaha.


"Waxaan kala hadalnay sidii dhanka dhaqaalaha ay nooga caawin lahaayeen, iyagoo naga cosaday inaan xoojino dhanka amniga, waxaan kaloo ka wada hadalnay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda


Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya wafuud ka kala socoto 200 dal



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip