(Sawirro):-Madaxweynaha Puntland oo dalka Itoobiya u duuley shirna uga qaybgalaya

0
Thursday April 20, 2017 - 17:42:37 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Sawirro):-Madaxweynaha Puntland oo dalka Itoobiya u duuley shirna uga qaybgalaya

    Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta safar ugu baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya halkaas oo uu kaga qayb geli doono Shirkii lixaad ee Tana Forum oo lagu qabto magaalada Bahir Dar ee Waqooyiga Itoobi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta safar ugu baxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya halkaas oo uu kaga qayb geli doono Shirkii lixaad ee Tana Forum oo lagu qabto magaalada Bahir Dar ee Waqooyiga Itoobiy sanadkiiba hal mar.

Madaxweynaha ayaa waxaa garonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacayo ku sii sagootiyey masuuliyiinka ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.


Shirkani Tana Forum ayaa sanadkan looga hadlaayaa Maamulida Kheyraadka dabiiciga ah ee Qaaradda Afrika waxaana uu socon doonaa maalmaha 22-23 Abril.

Madaxweynaha Puntland ayaa saddexdii sano ee u danbeysey ka qayb-qaatey shirka Bahir Dar ee Tana Forum ee uu asaasey raysalwasaarihii hore ee Itoobiya Males Zenawi, Lama oga danta ugu jirta Puntland ka qaybgalka shirkan iyo kuwii ka horeeyey, oo aan ka ahayn kulamo Madaxweynuhu la qaato qaar kamid ah Madaxda Afrikaanka ee shirkaas ka qaybgala.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay sanadihii 2013, 2016, halka sanadkii 2015 uu ka qaygalay raysalwasaarihiisi Cumar Cabdirashiid. Ma cadda in Madaxweyne Farmaajo shirkan ka qayb galaayo ama cid kamid ah madaxda Federaalka lagu casumay.

—DHAMMAAD—

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip