Imaaraadka oo ka hadlay weerarkii Duleedka Muqdisho

0
Thursday April 20, 2017 - 11:21:20 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaaraadka oo ka hadlay weerarkii Duleedka Muqdisho

    Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay lala eegtay kolonyo ay la socdeen Guddiga Gurmadka Abaaraha kuwaasi oo marayay Duleedka Magaalada Muqidsho, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Sarkuusta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Imaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee shalay lala eegtay kolonyo ay la socdeen Guddiga Gurmadka Abaaraha kuwaasi oo marayay Duleedka Magaalada Muqidsho, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Sarkuusta.

Kolnyadan Qaraxa Miinada lala eegtay ayaa waxa ay isugu jireenGuddiga Abaaraha Qaranka, Guddi ka socday Gobolka Banaadir iyo Gawaari kale oo ay saarnaayeen Saraakiil ka socday Bisha Cas ee Imaaraadka, waxayna kormeer ku sameynayeen xaalada dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Degaanka Garasbaley.

Qaraxa Miinada ah ee la doonayay in lagu dilosaraakiisha u gurmaneysa shacabka, ayaanan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray, inkastoouu halkaasi ku gubtay Gaari ka mid ahaa kolonyada.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid fuleynimo ah oo uusan waxba u dhimi doonin howlaha gar gaarka ah ee Imaaraadka uu ku caawinayo shacabka Soomaaliyeed.

"Imaaraadka waxa uu si kulul u cambaareynayaa weerarkii shalay lagu qaaday kolonyada Guddiga Gurmadka Abaaraha, oo ay la socdeen saraakiil Imaaraadka ka soo jeeda, waxba iskama bedeli doono taageerada aan siineyno Soomaaliya, ujeedadeenu waa sidii aan u badbaadin laheyn shacabka.” Ayuu lagu yiri warka Qoraalka ah.

Sidoo kale Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markale ku celisay in ay laba jibaareyso taageerada ay siineyso Soomaaliya, waxayna sheegtay in ay mareyso wado walba oo shacabka Soomaaliyeed looga badbaadinayo Abaarta macluusha ah ee ka jirta Gobolada Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip