Ra'iisul Wasaare Kheyre oo sheegay in Xukuumaddu ay ku shaqeyneyso aragtida shacabka

0
Thursday April 20, 2017 - 11:12:43 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre oo sheegay in Xukuumaddu ay ku shaqeyneyso aragtida shacabka

    Ra'iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Gudaha iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa boqolaal shacabka xeebta Liido kula damaashaaday, si uu dareensiiyo in dowladda ka go'an

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga Gudaha iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa boqolaal shacabka xeebta Liido kula damaashaaday, si uu dareensiiyo in dowladda ka go'an tahay inay la qaybsato shacabkeeda xaalad kasta oo ay ku sugan yihiin isla markaana waxa uu ka dhageysanayey fikirkooda ku aadan qaabka ay doonayaan in dalkeena lagu hogaamiyo.

Mudane Xasan Cali kheyre  Ra’iisul Wasaaraha  dalka ayaa  shacabkii ku sugnaa  xeebta  oo  u badnaa dhallinyaro  ayaa mid mid u waydiiyey  sida ay doonayaan in ay dowladdu u shaqayso isla markaana dalkeena horumar uu ku gaari karo, isagoo u dareeensiiyey in dowladda ay ku shaqayneyso  aragtida wanaagsan ee  bulshada



Ganacsato  xeebta ku  haysta  ganacsiga yar  ayuu Ra’iisul waasaare Kheyre  ku dhiiri gelinayey inay  shaqadooda wataan , kala xogwareystay  hadii ay jirto caqabado  haysta  oo ka hor imaanaya  in ay siiwataan ganacsigooda .

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre  oo xeebta Liido kula hadlay dadkii uu kula kulmay xeebta  ayaa tilmaamay in Xukumadda ay ku shaqayneyso  rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed , si looga miro dhalliyo halbeega Xukumadda ee karti iyo hufnan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa afaafka hore  ee Tiyaaratarka Qaranka waxa uu kula kulmay  dad naafo ah oo  xilligaasi hor fadhiyey laaamiga,  isagoo  la qaybsanayey daruufta  haysata oo sababtay  in  qaraxda  ay  fariistaan waana uu ka farxiyey.

XIGASHO=SONNA



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip