Wasiir Kamid ah Xukuumadda Soomaaliya Oo Wareejiyey Xilkii Safiirnimo ee Dalka Kenya.

0
Thursday April 20, 2017 - 10:58:46 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Kamid ah Xukuumadda Soomaaliya Oo Wareejiyey Xilkii Safiirnimo ee Dalka Kenya.

    Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya, haatanna ah Wasiirka Qosheynta, Maalgashigga iyo Horrumarinta dhaqaalaha ee xukuumada Somalia Jamaal Maxamed Xasan ayaa xilka safiirnimo si KMG ah ugu wareejiyay qunsulka safaaradda Cali Maxamed Sheekh Cal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya, haatanna ah Wasiirka Qosheynta, Maalgashigga iyo Horrumarinta dhaqaalaha ee xukuumada Somalia Jamaal Maxamed Xasan ayaa xilka safiirnimo si KMG ah ugu wareejiyay qunsulka safaaradda Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi, ka dib munaasabad lagu qabtay xarrunta safaaradda.


Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xasan Abshir Faarax, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Indonesia, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, diblomumaasiyiin iyo shaqaalaha Safaaradda.


Jamaal Maxamed Xasan ayaa galka safaaradda ku wareejiyay Mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi oo ah ku simaha safiirka ahna qunsulka safaaradda, waxaana warbaahinta si wadajir ah ula hadlay safiirkii hore ahna Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horrumarinta dhaqaalaha Mudane Jamaal iyo C/raxmaan Kampala oo ah safiir ku xigeenka ahna qunsulka koowaad ee magacaaban.



Ku-simaha safiirka ahna qunsulka safaaradda Mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi oo isna goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay Danjire Jamaal, isagoo ku ammaanay wax qabad mudadii uu xilka safariinimo hayay..

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip